Victoria government logo

Victorian Sick Pay Guarantee - (Somali) Soomaali

Mushaharka bukaanka iyo daryeelaha ee shaqaalaha caadiga ah (casual) iyo qandaraaslayaasha (Victorian Sick Pay Guarantee)

Dammaanadda Mushaharka Bukaanka ee Victoria (Victorian Sick Pay Guarantee) waxay siinayaa shaqaalaha caadiga u shaqeeya (casual) iyo kuwo iskood u shaqeysta (self-employed) 38 saacadood sanadkii oo ah mushaharka bukaanka iyo daryeelaha si ay u isticmaalaan marka ay jiran yihiin ama u baahan yihiin inay daryeelaan dadka ay jecel yihiin. Maadaama aysan xaq eheen in shaqaaluhu kala doorto mushaharka maalinta iyo caafimaadkiisa.

Barnaamijkan tijaabada ah ee loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya shaqooyinka qaarkood waxaa si buuxda u maalgelinaya dawladda Victoria ilaa horaanta sanadka 2024-ka. Damaanadqaadka Mushaharka Bukaanka waxaa lagu bixinayaa mushaharka ugu yar qaranka oo ah $21.38 saacaddii (sida 1da Luulyo 2022).

Shaqooyinka qeybta ka ah barnaamijka tijaabada

Shaqo Nooca shaqada
Shaqaalaha soo dhawaynta (hospitality workers) U adeegista macaamiisha huteelada, baararka, kafateeriyada, makhaayadaha, casinos ka iyo xarumaha la midka ah.
Kaaliyeyaasha diyaarinta cuntada (food preparation assistants) Ku diyaarinta cuntada meelaha cuntada degdega ah (fast food) lagu sameeyo, ka caawinta shaqaalaha ka ganacsada cuntada iyo shaqaalaha adeega si ay u diyaariyaan una geeyaan cuntada, nadiifinta meelaha cuntada lagu diyaariyo iyo meelaha adeega lagu qabsado.
Shaqaalaha ka ganacsada cuntada (food trades workers) Rooti dubista iyo alaabaha macmacaanka ah; diyaarinta hilibka iibka ah; qorshaynta, abaabulka, diyaarinta iyo karinta cuntada ee goobaha lagu cunteeyo.

Shaqaalaha ka shaqeeya taageerada iibka (sales support workers)

Shaqaalaha bixiya caawimaada dukaamada tafaariiqda ah, jumladleyda iyo shaqaalaha iibka iyada oo la shaqaynayo diiwaannada lacagta caddaanka ah, qaabaynta, muujinta, xulashada, iibsiga, horumarinta iyo soo bandhigida alaabta.
Kaaliyeyaasha iibka (sales assistant) Ka iibinta badeecadaha iyo adeegyada si toos ah looga iibinayo dadweynaha iyagoo wakiil ka ah xarumaha tafaariiqda iyo jumlada.
Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya silsiladaha (supply chain) sahayda suuqyada waaweyn Oo ay ku jiraan shaqaalaha wax saar saara khaanadaha iyo meelaha badeecada lagu soo bandhigo ee dukaamada iyo suuqyada waaweyn; rara oo dejiya baaburta waaweyn iyo kunteenarada; isla markaasna gacanta ku haya xamuulka.
Daryeelayaasha dadka da'da iyo kuwa naafada ah (aged and disability carers) Bixinta caawimaada guud ee guryaha qoyska, taageerada niyadeed, daryeelka iyo wehelka dadka da'da ah iyo kuwa naafada ah lagu siiyo guryahooda. 'Guriga' waxa ku jiri kara goobaha la dego sida goobaha daryeelka dadka da'da ah ee la daggan yahay, goobaha nolosha la caawiyo ee madaxbannaan, iyo guryaha dadka naafada ah oo takhasus leh halkaas oo qofku ku nool yahay. Tani kuma jirto caawinta daryeelaha aan lacagta lagu qaadan ee qoyska iyo asxaabta.
Nadiifiyeyaasha iyo shaqaalaha ka shaqeeya meelaha dharka lagu dhaqo (Labandaayada) (cleaners and laundry workers) Nadiifinta baabuurta, goobaha ganacsiga, warshadaha iyo guryaha, goobaha dhismaha iyo mishiinada warshadaha, iyo dharka iyo alaabta kale ee dharka lagu dhaqo iyo goobaha dharka lagu dhaqo ee drycleaning ka ah.
Saraakiisha amniga iyo ilaalada (security officers and guards) Bixinta adeegyada amniga iyo baarista ee la siiyo ururada iyo shakhsiyaadka, marka laga reebo gawaadhida gaashaaman iyo baarayaasha gaarka ah.

Ka eeg liiska shaqooyinka xaqa u leh halkanExternal Link .

Miyaan u qalmaa?

Si aad u noqotid qof u qalma dammaanad-qaadka Mushaharka Bukaanka, waa inaad:

  • Xaq u leedahay inaad ka shaqeyso Australia
  • Tahay 15 sano jir ama ka weyn
  • Tahay shaqaale shaqeeya isku celcelis 7.6 saacadood ama ka badan todobaadkii
  • Aadan ka heli karin fasaxa sannadlaha ah, mid shakhsi, mid jirro ama fasaxa daryeelaha mid ka mid ah meelaha aad ka shaqeyso
  • Tahay qof u shaqo taga gobolka Victoria
  • Tahay qof ka shaqeeya mid ka mid ah xirfadaha kor ku xusan.

Deganayaal ku meel gaar ah, degane rasmi ah, fiisaha dadka haysta iyo dadka ka yimid New Zealand aad ka qayb qaadan karto barnaamijka tijaabada haddii aad soo buuxisid shuruudaha u-qalmitaanka, oo ay ku jiraan inaad xaq u leedahay inaad ka shaqeyso Australia.

Isdiiwaangeli hadda

Waxaad iska diiwaangelin kartaa Dammaanadda Mushaharka Jirrada Service VictoriaExternal Link .

Waa in aad is-diiwaangelisaa oo lagu ogolaado ka hor intaadan dalban lacagta bukaanka ama daryeelaha.

Inta lagu jiro guda jiro codsigaaga online ka ah waxaan ku weydiin doonaa inaad keentid:

  • laba dukumeenti aqoonsi
  • caddaynta dukumeentiga shaqada
  • faahfaahinta bangigaaga.

Haddii aadan haysan laba nooc oo aqoonsi ah oo aadan ahayn muwaadin Australian ah ama degane rasmi ah, la imoow hal nooc oo aqoonsi ah. Midka labaad ee ay ku qoran tahay "Choose your ID screen" waxaad dooran kartaa "I don’t have this".

Wax badan ka baro aqoonsiga (ID) iyo caddaynta dukumentiyada shaqadaExternal Link .

Nala soo xiriir

Dammaanadda Mushaharka Bukaanka ee Victoria (Victorian Sick Pay Guarantee)

Iimaylka: sickpayguarantee@ecodev.vic.gov.au

Adeegga Turjubaanka Afka iyo Qoraalka (Translating and Interpreting Service - TIS)External Link : Wac 131 450 oo weydiiso dammaanad-qaadka Mushaharka Bukaanka ee Victoria (Victorian Sick Pay Guarantee)

Reviewed 17 October 2022

Was this page helpful?