Victoria government logo

Maxay carruurtu u jecel yihiin inay aad u dhaqdhaqaaqaan? (Why kids need to get their move on) - Soomaali (Somali)

Si ay u yeeshaan dabeecad caafimaad, carruurta iyo dadka dhalinta yari waxay u baahan yihiin inay aad dhaqdhaqaaq u sameeyaan. Akhri wixii ku saabsan xarakaadka carruurta iyo dadka dhalinta yar ee maalin walba, iyo faaiidada tani keento tani.

Maxay carruurtu u jecel yihiin inay aad u dhaqdhaqaaqaan?

Waxa la soo jeedinayaa in carruurta jirta 5-12 sano iyo dadka dhalinta yar oo jira 13-17 sano ay sameeyaan xarakaad gaaraya ilaa 60 daqiiqo maalin walba. Si la caawimo in tan la sahlo, waxaan ku talinaynaa in loo kala qaybiyo waqti ah 15 daqiiqo, afar jeer maalintii.

Xarakaad jireed ayaa ah wax kasta oo dhaqaajiya jirka, dedejiyo neefsiga oo siyaadiya heerka garaaca wadnahaaga. Xarakaadka jireed wuxuu ka dhigaa carruurta farxaan caafimaad qaba, wuxuuna ka caawimaa inay yeeshaan dabeecad caafimaad oo mudo dheer ah.

Dhaqaaqa/socsocodka maalin walba ahi wuxuu leeyahay faaiidooyin badan, oo ay ka mid yihiin:

  • soo-fiicnaanta bedqabka caafimaadka guud
  • tabar siyaada ah
  • Khatar yar xagga caafimaad xumada, cudurada iyo miisaan kordha oo aan caafimaad ahayn
  • cadaadis dhiig, kolestarool iyo heerarka sonkorta dhiiga oo wanaagsan
  • la yeelashada madadaalo qoyska iyo saaxiibada
  • dabeecada lidka bulshada oo yar
  • iskaashi siyaada ah iyo xirfadaha koox u shaqaynta
  • yeelashada isku-kalsooni fiican iyo isku kalsoonaanta
  • walaac iyo cadaadiska oo hooseeya
  • Diirad saarid ama xoogsaarid wanaagsan
  • koritaan caafimaad qaba iyo horumar
  • muruqyo iyo lafa xoogan
  • fiyoobi wanaagsan, isku xirnaanta iyo dhaqdhaqaaqa

15 daqiiqo, 4 jeer maalin walba

Waxaanu soo jeedinaynaa xarakaad jireed afar jeer maalintii mudo dhan 15 daqiiqo.

xarakaadyadan waxaa ku jira waxyaallaha ay ka midka yihiin:

  • socodka ama baaskiil u raacida dugsiga ama agagaarkaaga xaafada
  • wadida ama kaxaynta eyga
  • u-raacida baaga saaxiibadaa
  • kubbada cagta
  • skateboarding
  • ku cayaarida deyrka
  • tennis-ka
  • dabaasha
  • qoob ka cayaarka/dhaansiga
  • orodka ama ruclaynta
  • kubbada gacanta
  • fuulista
  • yoogada
  • qaadiska waxyaalla culus
  • kubbada shabaqa

Reviewed 07 December 2022

Education

Was this page helpful?