Hibooyin badan Hal VCE (Many Talents One VCE) - Soomaali (Somali)

VCE waa ay isbedeleysaa

Fursado cusub ayaa la heli karaa. Wax kasta oo ay hibadaadu tahay, waxaad hadda ku raadsan kartaa hal VCE ayadoo loo marayo.

Xirfadlaha cusub ee VCE-da (The new VCE Vocational Major) waa barnaamij 2 sano ah oo ka tirsan VCE-da. Ardayda waxaa u kordheysa aqoonta, kalsoonida iyo xirfadaha shaqada iyo nolosha.

Tani waxay ka dhigan tahay in VCE-du ay si isku mid ah u aqoonsan doonto ardayda kala duwan.

Shahaadada cusub ee Victorian Pathways (The new Victorian Pathways Certificate - VPC) waa koorso labaad oo lug isku taagis ah lana badali karo oo loogu talagalay tiro yar oo arday ah ee sanadaha 11 iyo 12 kuwaas oo, sababo kala duwan dartood, aan awoodin ama aan diyaar u ahayn inay qaataan VCE ama VCE-da Xirfadlayaasha Sare (VCE Vocational Major).

Hadda waxaad haysataa xulashooyin badan oo waxbarasho ah oo leh manhaj tayo sare leh iyo helitaanka khibrado wanaagsan oo shaqada ah - kuu diyaarinaya waxbarasho dheeraad ah, tababar TAFE ama shaqo.

Updated