Shahaadada Victorian Pathways (Victorian Pathways Certificate) - Soomaali (Somali)

Wixii ku saabsan VPC

Shahaadada Victorian Pathways (Victorian Pathways Certificate - VPC) waa shahaado cusub oo wax kasta leh oo rogrogmi karta.

Waxay bixisaa manhaj soo jiidasho leh iyo taageero dheeraad ah si aad u horumariso xirfadaha iyo kartida shaqada la xiriirta ee aad u baahan tahay si aad u guulaysato.

VPC caadi ahaan waxa lagu dhammeeyaa sanadka 11 iyo 12, laakiin hadana waa mid dabacsan markaa waxaa la bilaabi karaa wakhti hore ama la dhammeeyn karaa muddo ka badan 2 sano. Shaqada koorsada waxaa loo qaabeeyey oo lagu bixiyaa heer si sahlan loo heli karo marka loo eego VCE iyo VCE Vocational Major. Waxaad ku baran kartaa VPC-da sidaad u jeceshahay macalimiintaaduna waxay ku qiimayn doonaan horumarkaaga iyada oo loo marayo waxqabadyo kala duwan oo waxbarasho oo fasalka ah.

Iskuulkaaga waxa laga yaabaa inuu kuu ogolaado inaad bilowdo VPC wakhti kasta inta lagu jiro sanad dugsiyeedka. Waqtiga aad ku dhameyn karto VPC waa mid rogrogmi kara (flexible) ah.

Waa inaad kala hadashaa iskuulkaaga iyo qoyskaaga in VPC ay adiga kugu habboon tahay.

VPC wuxuu bedelay Foundation VCAL.

Xulashooyinka waxbarasho ee VPC

VPC-gaaga waxaa ku jiri doona:

  • Akhriska VPC (ama xulashada Ingiriisiga VCE sida Akhriska VCE VM)
  • Tirada VPC (ama xulashada xisaabta VCE sida Tirinta VCE VM)
  • Xirfadaha La Xiriira Shaqada ee VPC
  • Xirfadaha Horumarinta Shaqsiyeed ee VPC
  • inaad waqti ku qaadato goob shaqo taas oo qayb ka ah waxbarashadaada. Tan waxa loo yaqaan Barashada Goobta Shaqada ee Qaabaysan ( Structured Workplace Learning).

Waxa kale oo aad ku dari kartaa xulashooyin badan oo VCE ama VCE VM ah, ama waxaad dooran kartaa inaad ku darto waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarka (vocational education and training - VET) ee VPC. Wax badan oo ku saabsan VET-da Shahaadada Victorian Pathways ka baro.

Macallinkaaga ama la-taliyahaaga shaqo ayaa kaa caawin doona inaad hesho barnaamij ku habboon baahiyahaaga iyo xiisahaaga waxbarasho.

Halka VPC ay ku geyn karto

Haddii aad seegtay iskuulka wax badan ama aad leedahay baahiyo waxbarasho oo dheeraad ah, VPC waxay kaa caawin doontaa inaad u gudubto VCE Vocational Major, heerka gelitaanka TAFE, VET ama si aad shaqo u hesho.

Waddada VPC (VPC Pathway) - Safarka Brandon

Brandon wuxuu u baahan yahay dabacsanaan (flexibility). Waxa uu ku soo laabanayaa iskuulka nasasho kadib sababo la xiriirta xaaladiisa caafimaad awgeed. Macallinka Brandon wuxuu kala hadlay VPC isaga iyo waalidkiis.

Brandon wuxuu jecel yahay VPC sababtoo ah wuxuu bilaabi karaa barnaamijkiisa waxbarasho markuu rabo. Brandon wuxuu go'aansaday inuu sameeyo daraasaadka VPC sababtoo ah waxaa qeyb ka ah mashaariicda bulshada iyo inay u shaqeeyaan koox ahaan. Waxay ku qaadan kartaa Brandon in ka badan 2 sano si uu u dhamaystiro barnaamijkiisa waxbarasho.

Halkii uu ka sameyn lahaa Ingiriisiga iyo Xisaabta fasalka 10aad, Brandon waxa uu sameeyaa VPC Cutubka 1 ee Akhris barashada iyo Barashada nambarada. Marka uu sameeyo xulashooyinkiisa sanadka 11 iyo 12, Brandon wuu ogyahay in VPC ay tahay barnaamijka asaga u fiican sababtoo ah wuxuu weli u baahan yahay dabacsanaan (flexibility).

Sannadka 11-aad wuxuu bilaabayaa Shahaadada II ee Ganacsiga Yaryar sababtoo ah VET-kan waxaa lagu maamulaa goobta iskuulka taasoo u sahlaysa inuu dhigto. Sannadka 12aad, Brandon si joogto ah ayuu u xaadiraa iskuulka wuxuuna iska diiwaangeliyaa Shahaadada II ee Kaaliyaha Qurxinta (Certificate II in Salon Assistant). Wuxuu sameeyaa Barashada Goob Shaqo oo qaabaysan goob timaha lagu qurxiyo taasoo la macno ah inuu ku heli doono sumcad meelayntiisa shaqada.

Brandon waxa uu rabaa shaqo-barasho (apprenticeship) ahaan inuu u sameeyo timo-qurxiye marka uu iskuulka ka tago.

Sannadka 10aad ee Brandon

  • Unugga Akhriska ee VPC 1
  • Unugga Tirada VPC 1

Sannadka 11aad ee Brandon

  • Unugga Akhriska ee VPC 2
  • Unugga Tirada VPC 2
  • Unugga 1 Xirfadaha Horumarinta Shaqsiyeed ee VPC
  • VPC Unugga 1aad ee Xirfadaha La Xiriira Shaqada
  • Shahaadada VET II ee Ganacsiga Yaryar (Hawlgalka/Horumarka) Cutubyada 1 iyo 2

Sannadka 12aad ee Brandon

  • Unugga Akhriska ee VPC 3
  • Unugga 2aad ee Xirfadaha Horumarinta Shaqsiyeed ee VPC
  • VPC Unugga 2aad ee Xirfadaha La Xiriirta Shaqada
  • Shahaadada VET II ee Kaaliyaha Timo-qurxinta Unugyada 1aad iyo 2aad
  • VET Qaab-dhismeedka Waxbarashada Goobta Shaqada Unugga 1 (90 saacadood)

Updated