Maxaa iska beddelaya dugsiga sare (What’s changing in senior secondary) - Soomaali (Somali)

Xulashooyinkaaga shahaadada sare way isbedelayaan. Wax ka ogoow waxa ay taasi adiga kaaga dhigan tahay.

Waxbarashada sare ee Victoria waa ay isbedelaysaa

Waxaa jirta hab cusub oo aad ku heli karto Shahaadada Waxbarashada Victoria (Victorian Certificate of Education - VCE).

VCE-da hadda waxa qeyb ka ah Vocational Major, barnaamij cusub oo laba sano ah oo ku dhex jira VCE-da.

Shahaadada cusub ee Victorian Pathways ayaa sidoo kale loo heli karaa kuwa u baahan dabacsanaan xagga waxbarashadooda.

Xulashooyinkan cusub waxay ku bedelayaan Shahaadada Waxbarashada Victoria (Victorian Certificate of Applied Learning - VCAL) manhaj la hagaajiyay, oo kuu diyaarinaya waxbarasho dheeraad ah, tababar TAFE ama shaqo.

VCE-da Vocational Major

VCE-da Vocational Major waa barnaamij waxbarasho oo 2-sano ah oo ku dhexjira VCE-da. Waxaad kobcin doontaa aqoonta, kalsoonida iyo xirfadaha shaqada iyo nolosha. Waxay kuu diyaarin doontaa shaqo iyo waxbarasho dheeraad ah iyo tababar.

Markaad ka qalinjabiso dugsiga sare, waxaad ku qalin jabin doontaa Shahaadada Waxbarashada Victoria (Victorian Certificate of Education), oo ay ku qoran tahay ereyada dheeraadka ee 'Vocational Major'.

VCE-da Vocational Major waa xulasho aad u wanaagsan haddii aad doorbidayso inaad wax ku baratid jawiga dhabta ah ee aduunka oo aad xirfadaha nolosha soo isticmaalaysid, aadana u baahnayn ATAR markaad dugsiga dhammayso.

VCE-da Vocational Major kaagama baahna inaad imtixaano samayso, marka laga reebo Imtixaanka Guusha Guud (General Achievement Test - GAT).

Ka akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan VCE Vocational Major.

Shahaadada Victorian Pathways ka

Shahaadada Victorian Pathways ka waa barnaamij dabacsan. Waxaa loogu talagalay tiro yar oo arday ah oo ku jira sannadaha 11 iyo 12, kuwaas oo sababo kala duwan dartood, aan awoodin ama aan diyaar u ahayn inay qaataan VCE ama VCE-da Vocational Major.

Waxay kuu diyaarin doontaa shaqo iyo waxbarasho dheeraad ah iyo tababar, oo ay ku jirto VCE-da.

Iskuulkaaga ayaa kaa caawin kara inaad go'aansatid in Shahaadada Victorian Pathways ka ay kugu habboon tahay.

Ka akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Shahaadada Victorian Pathways ka.

Waa maxay sababta VCAL loo beddelay

Isbeddelladani waa natiijada Dib u eegista lagu sameeyay dariiqooyinka waxbarashada farsamada gacanta iyo kuwa lagu dabaqay ee dugsiga sare (dib u eegista Firth). Dib u eegista ayaa lagu ogaaday inaan u baahanahay inaan horumarino barashada farsamada gacanta ee dugsiyada.

Hadda waxaad heli doontaa fursad weyn oo aad ku heli karto waxbarasho xirfadeed oo tayo sare leh iyo fursado waxbarasho oo la dabaqay. Waxaad awood u yeelan doontaa inaad u isticmaasho kartidaada badan siyaabo cusub oo hoos yimaada VCE-da cusub.

Inta badan ardayda samaynaysay VCAL 2022 way dhammeeyeen VCAL ama waxay u wareegeen mid ka mid ah xulashooyinka cusub. Tiro yar oo arday ah ayaa samayn doona VCAL-ka dhexe sanadka 2023.

Doorashada wadada aad qaadi lahayd

Kulamada la-talinta ee koorsada dugsigaaga ayaa xog kaa siin doona xulashooyinka aad heysato ee ku aadan wadada aad qaadi lahayd.

Kala hadal iskuulkaaga si aad u hubiso waxay bixiyaan. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad ku darto waxbarasho xirfadeed iyo shahaado tababar wadada aad qaadi lahayd.

Ka akhriso wax badan oo ku saabsan tan iyo dib-u-habaynta kale ee waxbarashada xirfadeed ee dugsiga sare iyo fursadaha kale .

Updated