Shatiga tubaakada
Sharciyo iyo ganaaxyo adag oo cusub oo la xidhiidha iibinta alaabta tubaakada lagu iibiyo Victoria ayaa hadda lasoo rogay.
Haddii aad tubaako ku dhex iibiso gobolka Victoria - oo aad ka iibiso dadweynaha ama ganacsiyada kale - waa inaad haysataa shatiga (license) tubaakada.
Tani waxay khusaysaa tubaakada loo iibinayo tafaariiq iyo jumlo ahaan labadaba waxaana xataa qeyb ka ah ganacsiyada internetka wax ku iibiya.
Codso shatiga tubaakada
Waxaad shatigaada ka dalban kartaa Shatiga Tubaakada Victoria (Tobacco Licensing Victoria - TLV) ee online ka adoo u maraya Adeegga Victoria (Service Victoria).
Waa inaad hubisaa in nooca arjiga aad soo gudbinayso uu ku habboon yahay qaabka ganacsigaaga. Ganacsatada Keligood ah waa inay arjigooda usoo gudbistaan qaab Shaqsi Dabiici ah, kuwa ku jira Iskaashatada Ganacsiga waa inay u codsadaan Shuraako ahaan, isidoo kalena shirkadaha dadweynaha ama kuwa gaarka loo leeyahay iyo ururada la isku daray waa inay arjigooda usoo gudbistaan qaab Shirkad leh sharciyo u gaar ah. Haddi aanad hubin nooca codsiga arjiga loo baahan yahay inaad soo gudbiso, waa in aad raadsato talooyin sharci oo madax banaan.
Yaa codsan kara
Waad codsan kartaa shatiga tubaakada haddii aad:
- tahay ganacsade keligiis ah oo ay da'daaduna tahay 18 sano ama ka weyn
- iskaashasho tihiin
- shirkad tihiin
- urur midoobay (an incorporated association) haddii aad tihiin.
Ma codsan kartid haddii adiga ama agaasime kasta, xubnaha guddiga fulinta ama aad ganacsigaaga shuraako ku tihiin laga mamnuucay sida uu qabo sharciga tubaakada 1987.
Noocyada shatiga
Waxaa jira 2 nooc oo shati tubaako ah: tafaariiqda iyo jumlada.
Haddii aad u iibiso tubaako tafaariiq iyo jumlo ahaan labadaba, waxaad u baahan doontaa labada nooc ee shatiga.
Goob kasta ee aad ku iibiso tubaakada waxaad ugu baahan doontaa shati gooni ah. 1-kii codsi ee online ka ah ba waxaad ku dari kartaa goobo badan.
Shatiga tafaariiqda
Shatiga tafaariiqda waxaa loogu talagalay meheradaha ka iibiya tubaakada dadweynaha, oo ay ku jiraan mashiinnada wax lagu iibiyo. Tan waxaa ka mid ah:
- dukaamada waaweyn
- dukaamada cuntada
- dukaamada yaryar
- goobaha shati u heysta khamri-iibinta
- kaalmaha shidaalka
- meelaha tubaakooyinka
- dukaamada online ka.
Shatiga jumlada
Shatiga jumlada waxaa loogu talagalay ganacsiyada ka iibiya tubaakada ganacsiyada kale ee tafaariiqda ama jumlada wax usii iibiya.
Waxa aad u baahan tahay ka hor inta aadan arji soo xareysan
Kahor intaadan bilaabin codsigaga, waxaad u baahan doontaa inaad ogaato qaabka ganacsigaaga uu u dhisan yahay (tusaale, ma waxaad codsanaysaa shatiga ganacsade kali ah, shuraako, shirkad ama urur la isku daray).
Dhammaan dadka shatiyada soo codsanaya waa inay soo gudbiyaan macluumaad ku saabsan ganacsiga iyo shaqsigaba, oo ay ku jiraan:
- goobta ganacsiga
- nooca ganacsiga
- waxyaabaha ay iibiyaan
- website kasta ama akoon kasta oo warbaahinta bulshada ah ee la xidhiidha ganacsiga.
Codsadayaasha ganacsiyada halka qof ah, la-hawlgalayaasha, agaasimayaasha iyo xubnaha guddiga fulintawaa qasab in:
- lasoo xaqiijiyaa aqoonsigooda
- ay keenaan xaqiijin ka socota booliiska (National Police Check) oo dhawaanahan ah
- ay keenaan dukumiinti aqoonsi oo maamulaha ah (haddii ay taasi khuseyso)
- ay soo bandhigaan taariikhdooda shakhsi ahaaneed, maaliyadeed iyo dembiyeed, iyo taariikhda musalafnimo (bunkruptcy).
Shirkaduhu waa inay keenaan qoraal taariikhdoodii hore iyo tan hadaba ah oo ka timid Guddiga Amniyaadka iyo Maalgelinta Australia (Australian Securities and Investments Commission - ASIC).
Hay'adaha kale ee la isku daray, sida urur la isku daray, waa in ay keenaan caddaynta ka mid noqoshada.
Meheradaha u shaqeeya sida sheikadaha wax lagu aamino (Trust) waa in ay keenaan heeshiiska Aaminaada.
Lacagaha ku baxaya arjiga shatiga
Waa inaad bixisaa lacag markaad codsi soo gudinayso. Waxaad ku bixin kartaa lacagta qaab Visa, Mastercard ama BPay ah. Lacagahaas kuwo kuusoo noqonaya maaha, xitaa haddii arjigaaga la diido.
Nuuca arjiga | Lacagaha |
Codsiga shatiga la bixiyay 30-ka Juun 2026 ka hor, wuxuu shaqeynayaa ilaa 30-ka Juun 2027 | $1,175.20 |
Codsiga shatiga sanadlaha ah ee la bixiyay wixii ka dambeeya 30ka Juun 2026 | Laga bilaabo $829.60 |
Markaad codsiga soo gudbiso ka dib
Markaan helno arjigaaga iyo lacagtaba, waanu qiimeyn doonaa inagoo go'aan ka gaari doona inaad u qalanyto in lagu siiyo shatiga tubaakada iyo in kale.
Arjiyadu way ku kala duwanaan doonaan inta mid kasta lagu soo gabagabeynayo. Dalbashada aad ku dalbanayso shatiga kuma siinayso damaanad ah in shatiga lagu siin doono.
Natiijada kasoo baxda codsigaaga waxaan kuugu soo diri doonaa iimaylka.
Haddii codsigaaga la aqbalo
Haddii codsigaaga la aqbalo, waa inaad fahamtaa waajibaadka ku saaran aadna u hogaansantaa shuruudaha shatiga tubaakada.
Haddii codsigaaga la diido
Haddii aadan ku qanacsaneyn go'aankeena, waxaad codsan kartaa in la sameeyo dib u eegis gudaha ah adiga oo soo gudbinaya foom aad ku codsaneyso dib u eegista gudaha ah, kaas oo laga heli karo mareegaha TLV.
Waxaan dib u eegi doonaa go'aanka 28 maalmood gudahood waana kula soo socodsiin doonaa natiijada.
Haddii aadan ku qanacsanayn natiijada kasoo baxday dib u eegista gudaha ah, waxaad codsi u dirsan kartaa Maxkamada Maamulka iyo Madaniga ee Victoria (Victorian Civil and Administrative Tribunal - VCAT).
Waa inaad codsigaaga ugu gudbisaa 28 maalmood gudahooda markaad hesho go'aanka dib u eegista gudaha ah.
Cusbooneysiinta shatiga tubaakada
Shatiyada tubaakadu waxay shaqaynayaan sanad xisaabeedka. Shatiyadu waxa ay dhacayaan 30-ka Juun ee sannad kasta.
Waa inaad soo gudbisaa arjiga aad ku codsaneyso in laguu cusbooneysiiyo shatigaaga ugu dambeyn 30-ka Juun sannad kasta.
Haddii aan go'aan ka gaari weyno arjiga aad ku codsatay in shatigaaga la cusboonaysiiyo ka hor inta aanu shatigaagu dhicin, shatigaagu wuu sii shaqayn doonaa ilaa inta go'aan laga gaadho.
Waxaad oggolaansho uga baahan doontaa TLV si aad:
- u beddesho shuruudaha shatigaaga
- ugu wareejiso shatigaada qof kale (tusaale milkiile cusub)
- meel kale ugu rarto shatigaaga (tusaale, inaad bedesho goobta ganacsiga)
- isaga kansasho ama hakad u saarto shatiga.
Haddii aad u baahan tahay inaad samayso mid ka mid ah isbeddeladan, waa inaad codsi soo gudbisaa adoo soo buuxinaya foomka ku habboon ee laga heli karo mareegaha TLV isla markaasna bixinaya lacagaha.
Shatiyada la bixiyay inta lagu gudajiro sanad maaliyadeedka 2025 ilaa 26 waxay shaqeynayaan ilaa 30-ka Juun 2027.
Raac shuruucda shatiga tubaakada
Waxaad u baahan tahay inaad ogaato waajibaadka ku saaran iyo shuruudaha shatiga tubaakada.
Meel laga arki karo ku dhaji shatigaaga si markaas si fudud ay macaamiishu u akhrin karaan marka ganacsigaagu furan yahay.
Waa inaad u hogaansantaa shuruud kasta oo shatigaga lagu soo rogay.
Dhammaan shatiyadu waxay leeyihiin shuruudo caadi ah. Shuruudaha caadiga ah ee ay shatiyada oo dhan leeyihiin waxay ku qeexan yihiin Xeerarka Tubaakada 2017. Kuwaasi waa:
- Shatiyada waa in ay ka iibiyaan kana soo iibsadaan tubaakada ganacsiyada kale ee shatiga leh (haddii iibku ka dhaco gudaha Australia).
- Dadka shatiyada la siiyay waa in ay xafidaan diiwaanka iibka tubaakada (gudaha Australia iyo dibadda) oo ay u dhiibaan TLV haddii laga codsado.
- Dadka shatiyada la siiyay waa in ay goob kasta ka ururiyaan xogta ku saabsan iibinta tubaakada ayna u soo sheegaan TLV sanad walba.
- Laga bilaabo 1-da Janaayo 2027, dadka heysta shatiga tafaariiqda waa in aysan u ogolaan shaqaalaha da'doodu ka yar tahay 18 jir in ay iibiyaan sigaarka.
Shuruudo gooni ah
Shatiyada waxay lahaan karaan shuruudo lagu yaraynayo khataraha. Shuruudahaas waxaa ka mid noqon kara in la yareeyo saacadaha la shaqeeyo ama in la xaddido badeecooyinka qaar ka mid ah in lasoo bandhigo.
Tani waxay dhici kartaa markaan bixino shati cusub ama qayb ka mid ah in qof kale lagu wareejiyo, goob laga guurayo ama arji lagu codsanayo in wax la badelo.
Xogtaada ha ahaato tii u dambeysay
Waa inaad 14 maalmood gudahood marka ay wax isbedelaan noogu soo sheegtaa mid kasta oo ka mid ah isbeddelada soo socda ee ah macluumaadka aad ku qortay arjigaagii:
- Qofka shatiga la siiyay macluumaadkooda sida haday jiraan meelo cusub oo lagala soo xiriirayo
- wixii isbeddel ah ee ku yimaada dadka ku lug leh maaraynta ganacsigaaga sida agaasimayaasha, xubnaha guddiga fulinta ama la-hawlgalayaasha
- macluumaadka goobta sida mulkiilaha cusub ama wakiilka guryaha
- wixii isbedel ah ee ku yimaada dadka saamayn ku yeelan kara ganacsigaaga ama dano dhaqaale ka leh, sida xubnaha qoyska ee u shaqeeya ganacsiga ama dadka lacag deymiyay ganacsiga
- wixii isbedel ah ee ku yimaada dukumiintiyada.
U hoggaansanaanta shatiga tubaakada iyo fulinta
TLV waxay bilaabi doontaa inay dhaqan geliso nidaamka shati bixinta laga bilaabo 1-da Febraayo 2026. Meheradaha iibiya tubaakada waa in ay haystaan shati marka la gaaro taariikhdaas.
Waxaan hubin doonaa in meheradaha iibiya tubaakada ay haystaan shatiga oo ay u hoggaansamaan shuruudaha shatiga.
Haddii aad u hoggaansami weydo sharciga waxbaan ka badeli karnaa, ama waan xannibi karnaa, ama kaala noqon karnaa shatiga.
Haddii aan ka shakino inaad si sharci-darro ah ku haysato ama aad ku iibinayso tubaako, waxaanu isla markiiba xannibi karnaa shatiga ilaa 90 maalmood.
Waxaa laga yaabaa inaan shatiga dib-u-eegis ku sameyno xilli kasta.
Ganaaxyada
Gefka | Ganaaxyada la ganaaxo shaqsiyaadka | Ganaaxyada la ganaaxo ganacsiyada iyo ururada isu tagay |
In si sharci-darro ah ay tubaako ku heystaan ganacsiyada tubaakada bixiya | Ilaa $170,948.40 ama ilaa 5 sano oo xadhig ah. | In ka badan $854,742 |
Iibinta tubaakada sharci darrada ah | Ilaa $366,318 ama ilaa 15 sano oo xadhig ah. | In ka badan $1.8 milyan |
Iibinta tubaakada bilaa shati | Ilaa $170,948.40 ama 5 sano oo xadhig ah. | $854,742 |
Haddii aad ku guuldareysato inaan u hogaansanaato shuruudaha shatiga ama waajibaadka | Ilaa $12,210.60 | $61,053 |
Inaad bixiso war been ah ama marin habaabin ah | Ilaa $12,210.60 | $61,053 |
Haddii lagu guuldareysto in lasoo bandhigo shatiga nuqul ka mid ah | Ilaa $1,017.55 | $5,087.75 |
Ku saabsan Shatiga Tubaakada Victoria
Shatiga Tubaakada ee Victoria kuwa bixiya (Tobacco Licensing Victoria - TLV) ayaa maamusha tubaakada si sharci ah lagu kala iibsado Victoria.
Waxaan ka mid nahay Waaxda Cadaaladda iyo Badbaadada Bulshada waxayna masuuliyad naga saaran tahay:
- inaan ganacsiyada keena alaabta tubaakada shati siino
- baadhista iyo fulinta nidaamka shati bixinta.
Nidaamka shatiga ayaa maamula iibinta sigaarka, sigaarka iyo waxyaabaha kale ee tubaakada ee loogu talagalay inay dadka isticmaalaan.
Sigaarka elektaroonigga ah iyo vapes-ka laguma maamulo nidaamka. Alaabooyinkan waxa maamula dawladda Barwaaqo-sooranka.
La xidhiidh TLV
- Iimayl: contacttobacco@justice.vic.gov.au
- Wac: 1300 194 739
Updated