Wixii ku saabsan Qalabka Xanaanada-ka
Carruurta, cayaarta iyo barashadu waa is dhinac socdaan. Cayaartu waa sida carruurtu ku ogaadaan kuna bartaan wixii ku saabsan naftooda iyo adduunka ku wareegsan. Waalidiinta iyo qoysasku waa qayb weyn oo ka mid ah safarkaas. Wax walba oo ku saabsan ilmahaaga Qalabka Xanaanada-ka waxaa loo sameeyey in la wadaago looguna raaxayso qoys ahaan.
Kindergarten-ka, Waxbarashada Sanadaha Hore ee Fiktooriya iyo Qaabka Horumarineed (VEYLDF) waxaa loo isticmaalaa in lagu abuuro khibrad waxbarasho kuwaas oo kaalmaynaya ilmahaagu inuu ku koro kuna bulaalo shan hab oo leh natiijooyin horumarineed. Shantaan natiijo waa:
- Aqoonsiga
- Bulshada
- Samaqabka
- Barashada
- Wada-xiriirka
Cubes-ka sheeko sheegida
Sheekayntu waa qayb muhiima u ah sida carruurtu macna ugu samayso khibradahooda maalmeed. Waxay caawintaa hormarka farbarshada waxayna ka caawintaa fahamka sida loola xiriiro dadka ku maageersan iyaga.
Waxaad ka caawin kartaa ilmahaaga inuu ku barto erayo cusub oo Ingiriis ah oo googo'an ama luqada kale.
- Iyada oo la wadaagayo, magacaabida sawirada
- Kula dhis iyaga
- Sheeg sheekooyin
- Weydii su'aallo
Midabyada iyo pad-ka farshaxanka
Ku sawirida qalimada midabada wuxuu bixiyaa siyaalla badan oo wax loo barto:
- Wanaajinta xirfada farsamo sida qabashada qalin rasaaska
- isla jaanqaadida isha iyo gacanta
- Barashada ku saabsan midabka iyo qaabka
- Ku muujinta hal-abuurka xaashi iyo aallada kale.
Sida ugu muhiimsan, ilmahaagu waxay baran doonaan inay u muujiyaan naftooda oo u sharxaan si amaana kalsoonina leh. Carruurta qaarkeed waxaa laga yabaa inay samaynayaan astaamo aadan aqoonsan karin adigu taasina dhib ma leh. Tani waa habka ugu dabiicisan ee barashada in wax la sawiro.
- Isticmaal baadka farshaxanka si aad fikrad u keento
- Ku dhiirigeli qoyska waaya-aragnimada sawirida
- Hadal markaad sawirayso
- Magacaw midabada iyo qaababka
Miraha
La abuurista miraha carruurta waa wax weyn, oo ku salaysan waaya-aragnimada sayniska kaas oo u ogolaanaya inay arkaan waxyaallaha la yaabka leh oo dabeecada adduunka. Waxay baran doonaan wixii ku saabsan dabeecada, dhisida luqada si loo raaco awaamiir sahlan. Waxay kaloo baranayaan sida loola socdo waxyaallo in muddo ah.
- Ka hadal wixii ku saabsan dhirta ka dibna sheeg qaybahooda
- U beera wadajir ahaan
- Hubi koritaanka subax walba
- Magacow furutka iyo khudaarta suuqa
Dunta Xoolaha
Ilmanimada hore waa marka carruurtu ay bilaabaan maaraynta ama xakamaynta waxyaallaha yaryar oo ay ku qaban karaan gacmaha, faraha, curcurka, cagta ama faraha cagta. Yeelashada muruqyada faraha gacmaha iyo faraha waa u muhiim is-daryeelida carruurta ka dibna wax qorida. Carruurtaadu waxay yeellan karaan xirfada wax farsamaynta iyaga oo isticmaalaya cajiinka ciyaarta, qalimaanta sawirada, dunta xoolaha (playdough, crayons ama threading animals). Halkan waxaa ku yaalla dariiqooyin aad ku barbaran karto xirfada jireed oo sahlan:
- Dunta xariga kabaha geli godadka xayawaanka
- Furida iyo xirida kit-ka carruurta
- Ku celceli adigoo xiraya, furaya shinyeerka ama guluusyada
- Ku dilindalay cajiinka ciyaarta gacmahaaga iyo faraha
Cajiin
Marka ilmahaagu isticmaalayo cajiin si uu wax u abuuro, waxay samaynayaan waxyaalla muhiima oo kala duwan:
- Wanaajinta xirfadaha wax qabadka
- Isticmaalida qaybahooda dareenka si loo sahamiyo
- iyaga oo isticmaalaya mala-awaalkooda.
Abuurista playdough-gu waa qayb muhiima oo waxbarashada ilmahaaga.
- Dilindilay kubbada, garaac, ku garaac, isku majuuji
- Ka hadal iyada
- Ku dar waxyaalla kale sida qoryaha ama baalasha ama qolfaha
- Ka samay astaamo wixii aad helli karto
Buugta Carruurta
Wadajir u akhrinta buugaagta waa wax fiican xagga isku-xirnaanta iyo wadajir u shaqaynta qoys ahaan. Waa mid ka mid ah siyaallaha ugu muhiimsan oo lagu kaalmeeyo koritaanka. La wadaagista waqti wada-sheekaysi ilmahaaga waxay wanaajin doontaa mala-awaalkooda iyo erayadooda.
- Wadajir iu doorta buug
- Hella meel xasiloon oo aad fadhiisataan kuna akhridaan
- U daa inay rogaanboggaga
- Isticmaal codad kala duwanoo waxa lagaga hadlayo, ka hadal sawirada
Hindi-sayaasha muyuusiga
Muyuusigu wuxuu u leeyahay faa'iidooyin badan oo carruurta iyo koritaanka. Abuurista muyuusigu waa hab fan u ah carruurtaada si ay u bartaan erayo cusub, kula heesaan heeso si wadajir ah qoyska ayna dareemaan fiicnaan ku saabsan naftooda. Qoob ka cayaarka, heesida, dhaqaaqa, garaacida iyo gujinta castanets ayaa dhamaantood ah fan.
Halkan waxaa ku yaalla fikrado aad kula raaxaysato muyuusig ilmahaaga:
- Ku dheel kuna raaxayso heesta aad ka hesho
- Tiri garaacyada si loo baro tirada (nambarada)
- Barbaro heeso qaafiyad leh
- Isticmaal castanets si loo tiriyo eraya ahaan shibanayaasha
Kayska xarakaadka Kit-ka (Kit Activity Case)
Kayska xarakaadka kit-ku waa ka duwan yahay boorsada lagu qaado buugaagta iyo toys-ka - waxaana loo isticmaali karaa in lagu kaalmeeyo barashada iyo horumarka siyaalla badan. Sabuurada dusheedu waxay ku fiican tahay ku cayaarida magnet, playdough iyo sawirida. Ku laab Kit-ka easel-ka. Si balaaran ugu fidi Kit-ka si sidaas darteed dusha cagaarka ah ayaa loo isticmaali karaa cayaar mala-awaala. Waxay noqon kartaa muuqaalka badda ama magaala weynta (sitiga). Dib u abuur sidaad ugu safarto Kindergaarten-ka. Halkan waxaa ah siyaala kale duwan oo lagu isticmaali karo baqshada kit-ka:
- Sawir adduun cusub
- Cajiinderinta cayaarta
- Boorso wax lagu qaado eebuugaagta ama tooyis-ka
- Iska dhigid ahaan cayaar
Xarakaadka Kit-ka waxaa loogu talagalay inay ahaadaan kuwa beey'ad ahaan ku haboon. Wuxuu ka samaysan yahay qalab dib loo warshadeeyey, haddii ay suurtagal tahay looguna talagalay in horay loogu sii qorsheeyo ilaalin darteed si loogu hayo ilmahaaga kindergarten-kiisa mementos.
Dhisida Bulshada
Fiktooriya waa bulsho kala duwan, gurina u ah dhaqamo kala duwan lagagana hadlo luqada kala duwan. Kala-duwnaanshuhu waa qayb weyn oo ah waxa naga dhigay cidda aan nahay. Waxyaallaha ku jira Kit-ka waxay kaalmeeyaan sheekooyinka wixii ku saabsan bulshooyinka kala duwan.
- Carruurta, cayaarta iyo barashadu waa is dhinac socdaan. Cayaaridu waa sida carruurtu ku ogaadaan kuna bartaan wixii ku saabsan naftooda.
- Isticmaal playdough si aad isaga dhigto inaad samayso cunto dhaqama kale, ama kuwaaga.
- Riix castanets markaad dhegaysanayso muyuusig dhaqameed, ama kuwaaga
- Kala hadal ilmahaaga wixii ku saabsan wadamada kale iyo xayawaanadooda wadaniga ah
Buugaagta Auslan
Dhamaan buugaagta waxaa ku jira kitka Kinder-ka 2023 oo leh tarjumaada Auslan ah oo la helli karo. Auslan iyo qoraallo ayaa iyagana lagu daray fiiidiyowyada.
Auslan waa astaanta afka loo isticmaalo bulshada dhegaha la' ee reer Australia waxayna qayb ka tahay Barnaamijka Luqadaha Ilmanida Hore ee reer Fiktooriya waxaana laga hellaa Kindergarten-yada carruurta afar jirka ah qaarkood.
Khubarada waxbarashada ayaa heshay inay jiraan faa'iidooyin badan ee carruurta ku baranaysa luqada kale da' yar kuwaas oo ay ku jiaraan:
- Xirfadaha siyaadinta horay u akhrinta iyo horay-u-sii qorida
- Furfurnaanta garashada
- Xoojinta kalsoonida iyo samaqabka
- Aqoonsiga dhaqan ee la xoojiyey.
Ixtiraamida Shakhsiga
Dhaqamada Ummadayadii Ugu-horaysay waa qayb muhiim oo ka mid ah taariikhda Australia. Ku dhiirigelinta carruurta inay bartaan wixii ku saabsan dhaqamada kala duwan waxay dhisaan fahmida, aqbalaada iyo hanka. Waan ku faraxsanahay in aan u dabaaldegno qorayaasha Ummaddii Ugu-horaysay iyo kuwa sameeya Kit-ka. Sheeka sheegida, tusaale ahaan, waxay muujiyaan habka sheeka-sheegida ee Aborigines-ka. Halkaan waxaa ku yaalla xarakaadyo ka caawima ilmahaaga wixii ku saabsan dhaqamada iyo caadooyinka dadka Aborigine-ka a (First Nation):
- Baro astaamaha Aboriginal xayawaanada ama walxaha
- Ka hadal wixii ku saabsan hogaamiyayaasha Aboriginal-ka ama geesayaasha cayaaraha
- Baro wax badan oo ku saabsan dhaqamada Ummaddii Ugu horraysay iyo dadka
Samaqabka iyo Kaalmooyin Siyaada ah
Dhamaan carruurtu waxay siyaalla kala duwan u bartaan siday u awoodaan. Kitka ilmaha yar ee Kinder-ku wuxuu siiyaa ilmahaaga buugaag iyo tooyis loo isticmaali karo siyaalla badan oo kala duwan si loolan ah dhamaan awoodaha. Laakiin marmarka qaarkood waxaad u baahan tahay kaalmo siyaada ah ee ilmahaaga barashadiisa. Haddii aad u malaynayso ama ilmahaagu laga yaabo inuu u baahan yahay kaalmo siyaada ah, waxaa jira siyaalla badan oo aad u samayn karto:
- Macalimiinta kindergarten-ka reer Fiktooriya waxay leeyihiin xirfado iyo aqoon ay ku caawimaan. kala hadal macalinka ilmahaaga wixii su'aalla ah oo aad qabto.
- Samayso ballan si aad u aragto dhakhtarkaaga ama hooyada iyo ilmaha kalkaalisada caafimaadka si aad ugala hadasho su'aallahaaga
- Ka wac khadka waalidiinta 13 2289 lacag la'aan, talasiin qarsoodi ah iyo kaalmo
Reviewed 21 February 2023