Xukuumada Fiktooriya waxay ku maalgelinaysaa ku dhowaad $5 bilyan tobanka sano ee soo socota si loogu bilaabo Kindergartenka ilmaha jira Saddexda-Sano maalin gelin guud – waxaana hada laga heli karaa Dawlad Goboleedka oo dhan.
Taas macneheedu waxa weeye waa sanad kale oo barasho, koritaan, cayaar iyo yeelashada saaxiibo dhamaan carruurta reer Fiktooriya.
Ka qaybqaadashada barnaamij kindergarten oo tayo leh kana bilaabanaya da’da saddexaad wuxuu xoojinaya waxbarashada ilmaha, koriimada, caafimaadka iyo natiijooyinka samaqabka
Carruurta yar yar adduunka waxay wax uga bartaan waxyaabaha ku salaysan ciyaarta
Waxbarashada ku salaysan ciyaarta waa sida ugu fiican ee carruurta dhalinta yari waxugu bartaan. Waxay siisaa carruurta fursad lagu isticmaalo mala-awaalkooda, dhisida xirfadahooda luqadeediyo barashada wixii ku saabsan nambarka iyo astaamaha/muuqaalada. Waxay kaloo bartaan sida loola dhaqmo dadka kale, wax loo wadaago, loo dhegaysto ayna u maareeyaan dareenkooda.
Dhamaan carruurta reer Fiktooriya waxay heli karaan laba sanadood oo kindergarten kharajkiisa la bixiyey
Dhamaan caruurta Dawlad goboleedka ayaa ka faaiidaysan doona 2022 iyaga oo heli kara ugu yaraan shan sacadood oo ah barnaamijka kindergarten-ka asbuuc walba. Saacaduha waxaa loo kordhin doonaa ilaa 15 saacadood asbuuc walba ugu dambayn 2029.
Meelkasta oo ilmahaagu kindergarten-ka u aadaba, macalimiin iyo barayaal la tababaray ayaa hogaamin doona barnaamijka.
Carruurtu waxay ka tagi karaan barnaamijka kindergarten-ka adeeg maalin dhan ah (Daryeel Ilmood) ama kindergarten gooni-u-taagan.
Ilmaha yar-yiri waxay ku baranayaan adduunka waxyaabaha ku salaysan cayaarta
Waxay baranayaan sida loola dhaqmo dadka kale, wax loola wadaago, dhegaysto, loona maareeyo shucuurtooda
Barnaamijka kindergarten-ka, carruurtu waxay adeegysadaan cayaar si ay u dhisaan xirfadooda luqada una bartaan wixii ku saabsan nambarada iyo astaamaha
Macalimiinta iyo hagayaashu waxay ka caawiyaan carruurtu inay noqdaan kuwa raba inay wax ogaadaan, hal abuur leh kuna kalsoon wixii la xiriira waxbarashadooda.
-
- Kindegartenada goonida u taagan
- Barnaamijyada Kindegartenada - Carruurta waxay tagaan barnaamijyada kindergarten-ka maalmo iyo saacado go’an
- Adeegyada Daryeelka Maalinta oo dhan ah
- Barnaamijyada Kindegartenada - Carruurta waxay tagaan barnaamijka kindergarten-ka qayb ka mid ah waqtigooda xannaanada maalinta oo dhan
- Waxbarashahada iyo Daryeelka - Adeega Daryeelka maalinta oo dhan wuxuu siiyaa carruurta da’dooda u dhaxeyso 0 ilaa 6 sano waxbarashada iyo daryeelka carruurnimada hore
Dhamaan barnaamijyada kindergarten-ka ee lamaalgeliyey waxaa waajib ku ah inay buuxiyaan tilmaamaha amaanka iyo tayada xukuumada waxaana loo sameeyay iyada oo la jaanqaadaysa Barashada Sanadaha Hore iyo Qaabka Horumarinta.
Xarunta daryeelka maalinta oo dhami wuxuu siin karaa maalin dhan oo ah waxbarasho iyo daryeel, kuwaas oo uu ku jiro barnaamijka kindergarten-ka. Barnaamijka Kindergarten-ka ee uu hogaamiyo macalinku waxaa lagu dhafay saacado siyaada ah oo waxbarasho iyo daryeel leh. Adeega iskiis u taagan, barnaamijka kindergarten-ku wuxuu soconaya keliya maalin iyo waqtiyo mucayina. Maalmahan iyo saacadahan waxaa qoondeeyey adeega kindergartenka.
Go’aan ka gaarida meeshaad ilmahaaga u dirayso waxaa laga yaabaa inay ku xirnaan doonto adeegyada laga heli karo bulshadaada, iyo waxa u shaqaynaya qoyskaaga iyo ilmahaaga
- Kindegartenada goonida u taagan
-
Kala hadal adeega kindergarten-kaaga wixii ku saabsan howlaha is diiwaangelintooda iyo xiliyada, booqana xaruntooda iyo shaqaaalahooda. Si aad u hesho kindergartenka deegaankaaga iyo macluumaad ku saabsan sida loo doorto adeega saxda ah ee qoyskaaaga, booqo: education.vic.gov.au/choose-kinder
Doorashada adeega kindergaarten tayo leh wuxuu xaqiijin doonaa in ilmuhu aad uga faaiideysto waqtigiisa u uku suga yahay kindergartenka. Waxaad ka eegi kartaa adeeg tayaysan adiga oo booqanaya:
-
Adeegyada badankood waxay leeyihiin hab is diiwaangelinkaas oo furma sanadka ka horeeya marka ilmuhu bilaabayo barnaamijka kindergarten-ka, sidaas awgeed waa inaad ka fekertaa wixii ku saabsan is diiwaangalinta marka ilmahaaga da’da laba sanadood gaaro.
Qoysaska iyo daryeellayaasha haysta carruur dhalatay inta u dhaxeysa Janaayo iyo Abriil waxay dooran karaan sanada ay bilaabayaan Kindergartenada lawada maal galiyay ee ilmaha jira Saddexda-Sano . Qoysaska waxaa laga yaabaa inay doortaan inay carruurtooda u diraan sanadka soo socda si ay ula jaanqaadaan da’da bilaabida dugsiyada, kolka carruurta kale ay jirsadaan laba sanadood markay bilaabaan.
Carruurta dhalatay inta u dhaxeysa 1da Janaayo iyo 30ka Abriil ayaa xaq u leh inay tagaan kindergarten-ka Da’da Saddexda-Sano marka ay jirsadeen saddex sano ama sanadka ay gaaraan afar sanadood.
Carruurta waxaa laga yaabaa in aanay awoodin inay tagaan barnaamijyada adeegoodu aanu awoodin ineey kasoo baxaan barbaariyaha iyo saamiga ilmaha da’doodu tahay laba sano jir ilaa ay ka gaarayaan saddex sano.
Ilmaha dhashay inta u dhexaysa 1da May iyo 31ka Diseembar waxay xaq u leeyihiin keliya inay tagaan kindergarten-ka Da’da Afarta-Sano sanaday gaarayaan shanta.
-
Sanada ilmuhu dhashay Faallo 2020 2021 2022 2023 2024 21ka Dis 2016 – 30 Abriil 2017
Qoysaska waxay dooran karaan inay bilaabaan dugsiga 2022 ama 2023 Kindergarten-ka 3 jirka
Kindergarten-ka 4 jirka
Xanaanada Heerka 1aad Heerka 2aad Kindergarten-ka 3 jirka
Kindergarten-ka 4 jirka
Xanaanada Heerka 1aad 1da May – 20ka Dis 2017* Kindergarten-ka 3 jirka
Kindergarten-ka 4 jirka
Xanaanada Heerka 1aad 21ka Dec 2017 - 30ka Abriil 2018 Qoysaska waxay dooran karaan inay bilaabaan dugsiga sanada 2023 ama 2024 Kindergarten-ka 3 jirka
Kindergarten-ka 4 jirka
Xanaanada Heerka 1aad Kindergarten-ka 3 jirka
Kindergarten-ka 4 jirka
Xanaanada
1da May – 20ka Dis 2018* Kindergarten-ka 3 jirka
Kindergarten-ka 4 jirka
Xanaanada *Taariikhda Diseembar waa teeramka ugu dambeeya dugsiga Dawlada. Haddii dugsiga ay qoysku doorteen leeyahay taariikh ka horeysa maalinta ugu dambaysa teeramka 4aad, marka waa in taariikhdaas la isticmaalaa.
-
- Adeega Kindergarten-ka agtaada ah ama bixiyaha, kuwaas oo uu ku jiro adeega daryeelka maalinta oo dhan
- Golahaaga degmada ama kalkaalisada dhalmada iyo caafimaadka ilmaha
- Wac Department of Health (DH) Waalidka oo ah 13 22 89
- Email 3yo.kindergarten@education.vic.gov.au
Booqo: www.vic.gov.au/kinder
Reviewed 03 February 2022