Fursadaha Xirfadda Waxbarashada Carruurnimada Hore (Career Opportunities in Early Childhood Education) - Soomaali (Somali)

Fursadaha shaqo ee macalimiinta iyo barayaasha cusub ee waxbarashada caruurnimada hore

Dawladda Victoria waxay ballan qaaday $14 bilyan si ay u ballaariso barnaamijyada barbaarinta ee gobolka oo dhan. Tobanka sano ee soo socda Victoria waxay u baahan doontaa kumanaan macalimiin iyo barayaal dheeraad ah oo carruurnimada hore (early childhood) ah.

Waxbarashada carruurnimada hore waxay wax ka beddeshaa nolosha carruurta iyo qoysaska. Macalimiinta ilmanimada hore iyo barayaasha ka soo jeeda dhaqamo iyo af kala duwani ayaa xitaa wax weyn ka badela.

Shaqaalaha adeegyada carruurnimada hore ee ku hadla laba luuqadood isla markaasna laba dhaqan leh waxay gacan ka geystaan inay ka dhigaan barnaamijyada xannaanada mid ay fududahay inay qoysaska asal ahaan kasoo jeeda dhaqamo iyo luuqado kala duwan ay helaan waxayna ka tarjumayaan bulshooyinka dhaqamada badan ee gobolka.

Ka shaqaynta waxbarashada carruurnimada hore waxay keentaa faa'iidooyin badan. Waxay ku siinaysaa fursad:

  • aad ku abuurto isbedel oo aad ku hormariso natiijooyinka carruurta iyo qoysaskooda
  • aad gacan uga geysato carruurta inay koraan oo ay wax bartaan sannadaha hore
  • aad uga shaqeyso goob abaal iyo hal abuur leh.

Caawimaad dhaqaale:

Waxa jira dhowr siyaabood oo kala duwan oo waxbarasho ah iyo caawimaad dhaqaale oo loo heli karo dadka daneynaya inay noqdaan macalin ama bare carruurnimada hore ah.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xirfadaha waxbarashada carruurnimada hore iyo taageerada dhaqaale ee waxbarashada booqo Become an early childhood teacher or educator

Shaqada:

Shaqooyinka waxbarashada caruurnimada hore waxaa maamula maamulayaasha adeega gaarka ah iyo bixiyeyaasha barnaamijyada xanaanada.

Booqo Early Childhood Jobs website si aad u aragtid shaqooyinka la heli karo iyo inaad akhrisid kiisaska la daraaseeyay ee ka yimid dadka ka shaqeeya qaybahan.

Updated