Sida iyo goorta la is-diiwaangelinayo (How and when to enrol) - Soomaali (Somali)

Kala hadal golaha deegaankaaga ama adeegga xanaanada caruurta wixii ku saabsan nidaamka diiwaangelinta. Waxaad sidoo kale kawici kartaa Khadka Weydiinta Xannaanada ee Saddexda Sano Jir ah 1800 338 663 ama iimayl ugu diri kartaa 3YO.kindergarten@education.vic.gov.au. Wixii ku saabsan taageerada luqadda ah ama si aad u heli laheed turjubaan, wac 131 450 marka hore.

Xannaanada Waqti Hore La Bilaabo (Early Start Kindergarten)

Carruurta ka soo jeeda qaxootiga ama magangalyo-doonka waxay heli karaan taageero dheeri ah iyadoona la siinayo mudnaanta helitaanka xanaanada ee loo maro Xannaanada Waqtiga Hore La Bilaabo. Adeegyada deegaankaaga ayaad weydiin kartaa wixii ku saabsan Xannaanada Waqtiga Hore La Bilaabo marka aad diiwaangelinayso ilmahaaga, ama booqo Xannaanada Waqtiga Hore La Bilaabo wixii macluumaad dheeraad ah.

Goorta la isdiiwaangelinayo

Victoria gudaheeda, waxaad carruurta ku bilaabi kartaa barnaamijka xannaanada markay 3 sano jir yihiin. Waxaad ku qori kartaa taariikhda dhalashada ilmahaaga Xisaabiyaha Da'da LAgu Bilaabi Karo (Starting Age Calculator) si aad u ogaato sanadka ay bilaabi karaan Xannaanada Saddex iyo Afar-sano jir yaasha loogu talagalay.

Haddii dhalashada ilmahaagu ay tahay inta u dhaxaysa 1-da Janaayo ilaa 30-ka Abriil, waxaad u baahan doontaa inaad go'aan ka gaarto sanadka ay bilaabi doonaan dugsiga si markaas loo ogaado sanadaha ay dhigan doonaan xannaanada. Waad dooran kartaa in ilmahaagu tago iskuulka sannadka uu shan ama lix jirsado.

Raadi barnaamij xannaano ah

Si aad u hesho adeegyo bixiya barnaamijyada xanaanada ee la ansixiyay, booqo shabakada barnaamijka xannaada (Soo hel Barnaamijka Kinder – Waaxda Waxbarashada iyo Tababarka, Victoria (educationapps.vic.gov.au)). Golaha deegaankaaga iyo adeegyada xanaanada caruurta ayaa sidoo kale kaa caawin kara inaad boos ka hesho xanaanada.

Raadi calaamadda saxda ah (Tick) ee Kinder ka:

Calaamada saxda ee Kinder ka (Kinder Tick) waxay ka caawinaysaa qoysaska Victoria inay carruurtooda u helaan barnaamij xannaano oo la ansixiyay.

Ka raadi calaamadda Kinder Tick adeega xanaanada deegaankaaga, adeega ama xarunta dhismaha ama barxadda, mareegaha internetka ama agabkooda macluumaadka.

Updated