Xannaanada carruurta saddex jirrada iyo afar jirrada ama barnaamijyada iskuulka intaan la bilaabin ka hor ah oo lacag la'aan ah ayaa laga heli karaa Victoria oo dhan kuwaas oo ay bixinayaan adeegyada howlahaas ka qeybqaadanaya. Tan waxaa ka mid ah daryeelka maalinta dheer iyo standalone labadaba (kaas oo sidoo kale loo yaqaan kalfadhiga) adeegyada carruurta.
Lacagaha u baaqanaya qoysaska
Qoysaska ay carruur uga diiwaangashan yihiin xannaanooyinka howlahan ka qeybqaadanaya ayaa heli doona barnaamij lacag la'aan ah.
Qoysaska ay carruur uga diiwaangashan yihiin daryeelista maalintii oo dhan ah ayaa heli doona kharashka sanadlaha ah.
U-qalmitaanka Xanaanada lacag la'aanta ah
Kinder bilaash ah ayaa loogu talagalay qof walba.
Qoysasku uma baahna inay haystaan Kaarka Daryeelka Caafimaadka ama Kaarka Hawlgabka, dhalashada Australia, ama caddeynta cinwaanka si ay xaq ugu yeeshaan inay galaan. Sidoo kale uma baahnid inaad xaq u yeelato Kabista Daryeelka Carruurta ee Dawladda Australia (Child Care Subsidy - CCS) si aad u hesho Kinder Bilaash ah.
Waxaad ku heli kartaa oo keliya Kinder Bilaash ah hal adeeg oo kinder ah markiiba. Adeeggaaga carruurta ayaa ku weydiin doona inaad saxiixdo warqad, adoo magacaabaya adeegga meesha aad ka heli doonto Xannaanada Bilaashka ah. Haddii ilmahaagu xaadiro wax ka badan hal adeeg oo xannaanada ah, waa inaad u sheegtaa adeeg kasta meesha aad rabto inaad ka gasho Xannaanada Bilaashka ah.
Sida loo helo maalgelinta Xannaanada Bilaashka ah
Adeegyada Xannaanada ee bixiya Xannaano Bilaash ah waxay helaan dhaqaale si toos ah uga yimaada Dowladda Victoria. Tani waxay ka dhigan tahay in qoysasku aysan u baahnayn inay dib u dalbadaan kaydka, taa beddelkeeda khidmadahaaga waa la dhimi doonaa. Xanaanada kalfadhiga (sessional kinder) barnaamijkaagu waa bilaash..
Qoysaska isticmaalaya barnaamijyada xanaano maalmeedka dheer (long day care kinder) waxay awoodi doonaan inay arkaan lacagta uga baaqatay Kinder-ka lacag la'aanta ah xilliyo kasta oo biilasha ah (each billing cycle) ayadoona si cad loogu qori doono 'Victorian Government Free Kinder offset' xaashida biilasha ama invoice ka.
Sida kharashkka lagu kabayo loogu dabaqo kharashka aad jeebkaaga ka bixinayso
Lacagta bilaashka ah ee Kinder ayaa si joogto ah loogu dabaqi doonaa khidmadahaaga sanadka oo dhan (tusaale ahaan toddobaadle ama toddobaad). Waa inaad arki kartid qaddarka si cad loogu sheegay qaansheegtada (invoice) inay tahay 'Victorian Government Free Kinder offset'.
Macluumaad ku saabsan sida magdhowga loogu dabaqi doono khidmadahaaga iyo sida tan loogu muujinayo qaansheegtaada, fadlan si toos ah ula hadal adeegaaga xanaanada. Haddii ilmahaagu galo in ka badan 15 saacadood asbuucii, saacadahan dheeraadka ah kuma jiraan kabista.
Haddii aad xaq u leedahay Kabista Daryeelka Carruurta ee Dawlada Dhexe marka hore ayaa lagu dabaqi doonaa. Taasi waxay ka dhigan tahay inaad u baahan tahay oo keliya inaad bixiso lacagta ka hadhay CCS ka dib iyo bixinta Xannaanada Bilaashka ah ka dib.
Tusaale:
- Ilmo 4 jir ah ayaa wuxuu dhigtaa xannaano maalintii oo dhan ah 3 maalmood isbuucii.
- Adeegu wuxuu ku dalacayaa $360, 3-da maalmood ee usbuucii (oo ay ku jiraan saacadaha xanaanada iyo saacadaha daryeelka dheeraadka ah).
- Qoysku waxay helayaan $252 oo CCS isbuucii.
- Sannadka 2025, adeeggu waxa uu bixinayaa $2,101 oo lacagaha xannanada lacag la'aanta ah muddo 40 isbuuc ka badan ($52.53 isbuucii).
- Qoyska waxay iska bixinayaan $55.478 asbuucii marka ay helaan CCS iyo qeybta lacag la'aanta ah ee xannaanada.
Fadlan ogow. Waxani waa tusaale oo keliya ee kharashku waa uu kala duwanaan doonaa iyadoona ay ku xiran tahay duruufaha gaarka ah iyo inta lacag ah ee sannadkii laga daboolayo.
Updated