Kinder, oo sidoo kale loo yaqaan 'early childhood education', waa qayb muhiim ah oo ka mid ah horumarka iyo waxbarashada ilmahaaga. Carruurtu markay jiraan 3 sano inay bilaabaan barnaamij tayo leh oo xanaano ah waxay ka caawin kartaa inay yeeshaan xirfad si ay horumar uga gaaraan nolosha iyo dugsigaba.
Waxaad gelin kartaa taariikhda dhalashada ilmahaaga meesha ah Xisaabiyaha Da'da Lagu Bilaabayo (Starting Age Calculator) si aad u ogaatid sanadka ay bilaabi karaan Xannaanada Saddex-iyo Afar-jirka ah.
U-diyaargarowga iskuulka ka hor (Pre-prep) ayaa mardhow la bilaabayaa
Kindergarten-ka loogu talagalay afar-sano jirka ayaa wuxuu noqonayaa u-diyaargarowga dugsiga ka hor (Pre-Prep), laga bilaabo 2025.
Sannadka 2026, ilaa 25 saacadood oo Pre-Prep ah ayay isbuuc kasta heli doonaan carruurta:
- asal ahaan kasoo jeeda qaxooti ama magangalyo doonka
- ee loo aqoonsan yahay inay yihiin Aborijiniska iyo/ama Torres Strait Islander
- oo qoyskoodu ay xiriir la leeyahay kuwa caruurta ilaaliyo ee loo yaqaan xafidayaasha ilmaha (child protection).
Ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya barnaamijka waxbarashada ee la siiyo Kindergarten-ka Afar jirada loogu talagalay iyo Pre-Prep-ka majiraan. U-diyaargarowga dugsiga ka hor (Pre-prep) waxa ay siisaa caruurta saacado badan oo ay wax ku bartaan ayna ku helaan is-dhexgal qaab ciyaareed ah Pre-Prep-ka waxa lagu bixin doonaa kindergarten u go'an howlahaas iyo xarumaha xanaanada carruurta ee maalintii oo dhan ah.
Pre-Prep-kaan iyo Xannaanada Saddex Jirrada loogu talagalay labaduba waa qayb ka mid ah Xannaanada lacag la'aanta ah. Xog dheeraad ah oo ku saabsan Xannaanada lacag la'aanta ah hel.
Saacadaha xanaanada
Barnaamijyada Kindergarten-ka ee Saddex jirrada loogu talagalay ee la maalgeliyo ayaa waxaa la heli karaa 5 ilaa 15 saacadood isbuucii. Barnaamijyada Kindergarten-ka ee Afar jirrada loogu talagalay ee la maalgeliyey ayaa waxa la heli karaa 15 saacadood isbuucii. Barnaamijyada u-diyaargarowga dugsiga ka hor (Pre-prep) ayaa si tartiib-tartiib ah loo kordhin doonaa iyadoo laga dhigi doono 25 saacadood laga bilaabo 2026, iyo ilaa 30 saacadood laga bilaabo 2028.
Natiijooyinka la xaqiijiyay
Carruurta aada barnaamijka xanaanada kinder-ka waxay bilaabaan inay horumar ka gaaraan xirfado ay ka mid yihiin sida wax loo tiriyo loona aqoonsado nambarada iyo xarfaha, iyo sida wax loo waxqabadka. Ilmahaagu wuxuu dhisi doonaa kalsoonidisa iyo madax-banaanidiisa marka ay joogaan xanaanada waxayna baran doonaan xirfadaha bulshada iyo dareenka. Waxay sameyn doonaan isdhexgal oo saaxiibo cusub ayay yeelan doonaan.
Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujisay in markay carruurta noqdaan 16 sano jir, ardayda hore usoo dhigatay 2 ama 3 sano oo barnaamijka kinder ka hor intaysan bilaabin iskuulka inay natiijadooda maadada Ingiriisiga iyo xisaabta ay ka sareeyaan kuwa aan soo dhigan kinder.
Sida ay waalidiinta iyo barbaariyayaasha u wada shaqeeyaan
Xannaanadu waxay si fiican ugu shaqeeysaa inay tahay iskaashi ka dhexeeya waalidiinta/daryeelayaasha, qoysaska iyo macallimiinta. Adiga oo ah waalid/daryeele, waxaad tahay qaybta ugu muhiimsan ee koritaanka ilmahaaga. Waxaad kala baraysaa sax iyo qalad, afkaaga, dhaqankaaga iyo qiyamka sida naxariista iyo ixtiraamka. Macallimiintu waxay kaala hadli doonaan waxa ka dhaca xannaanada iyo siyaabaha looga caawin karo ilmahaaga inuu wax ku barto guriga. Waxay doonayaan inay wax ka ogaadaan waxyaabaha uu ilmahaagu daneeyo iyo sida ay u jeclaan lahaayen inay wax u bartaan.
Waxaad weydiisan kartaa macalinka xanaanada inuu kuu qabto turjubaan wakhti kasta. Tani waxay noqon kartaa mid isla goobta ah ama telefoon ama muuqaal. Ma jiro wax kharash ah oo laga rabo qoysaska si ay u helaan adeegan.
Waxa ka dhaca xanaanada
Macallimiintu waxay ku dhiirigeliyaan carruurta inay wax ku bartaan ciyaarta. Waxyaabaha la sameynayo waxaa ka mid noqon kara sawir-qaadid, heeso, meelo la korayo, qodid iyo orod dibada ah, ku ciyaarista alaabta carruurtu ku ciyaarto iyo akhrinta buugaagta. Ciyaartu waxay ku dhiirigelisaa carruurta inay adeegsadaan male-awaalkooda oo ay saas wax ku ogaadaan, iyagoo wax la wadaagayo caruurta kale oo uu qof walbaa tookadiisa wax qaadanayo. Carruurtu waxay wax ka baran doonaan dhawaaqyada, erayada iyo luqadda, oo ay ku jiraan sida loogu hadlo loona fahmo Ingiriiska.
Xanaanadu waa qayb ka mid ah bulshadayada dhaqamada kala duwan leh
Barnaamijyada xanaanadu waxay soo dhaweeynayaan waalidiinta ka soo kala jeeda dhaqan kasta si ay qayb uga noqdaan bulshadooda. Waa meel ay waalidiintu ku kulmi karaan oo ay ku wada sheekaysan karaan iskuna baran karaan.
Macalimiintu waxay rabaan inay wax ka ogaadaan ilmahaaga iyo dhaqankaaga. Tani waxay ka caawinaysaa inay u diyaariyaan barnaamijyo macno u leh ilmahaaga, oo ay ku jiraan waxqabadyada ku salaysan maalmaha dhaqanka iyo dhacdooyinka iyo xafladaha isla markaasna u dabaaldagaan kala-jaadnimada (diversity) Victoria.
Macallimiinta waxay qof kasta ka qeyb galiyaan waxyaabaha la sameynayo, si carruurta aan ku hadlin Ingiriiska ay u helaan fursado la mid ah fursadaha ay helaan carruurta kale si ay u ciyaaraan oo ay wax ku bartaan. Qaar ka mid ah barnaamijyada xanaanada ayaa leh macalimiin laba-luqadood ku hadla oo caawiya carruurta aan ku hadlin ama wax yar oo Ingiriis ah ku hadla. Carruurta waxaa sidoo kale la baraa inay is fahmaan oo ay is aqbalaan iyo inay ixtiraamaan kala duwanaanshaha dhaqamada.
Noocyada kala duwan ee barnaamijyada xanaanada (kinder-ka)
Carruurtu waxay ka qaybgeli karaan barnaamijka xannaanada (Kindergarten-ka) ee loogu talagalay carruurta saddex sano jirka ah iyadoo daryeelka maalintii oo dhan ah (oo sidoo kale loo yaqaan xannaanada carruurta) ama iyadoo ah adeeg xannaano oo meel gooni ah (taas oo sidoo kale loo yaqaanno kalfadhi ama sessional). Adeegyadani waxay sidoo kale bixiyaan barnaamijka xanaanada ee afar jirrada loogu talagalay.
Xarunta xanaano maalmeedka dheer (long day care centre) waxay bixin kartaa maalin buuxda oo waxbarasho iyo daryeel ah, oo ay ku jirto barnaamij xanaano. Barnaamijka xannaanada ee uu macalimku hoggaamiyo waxa lagu dhex dari karaa saacado dheeraad ah oo waxbarasho iyo daryeel ah.
Adeeg keli ah, barnaamijka kinder wuxuu shaqeyn doonaa oo keliya maalmo cayiman iyo waqtiyo cayiman. Adeegga keligiis ah wuxuu badanaa shaqeeyaa 40 toddobaad sanadkii inta lagu jiro xilliga dugsiga wuxuuna qaataa fasaxyo isla waqtigaas iskuulada. Maalmahan iyo saacadahaas waxaa dejiya adeegga carruurta.
Updated