Xannaanada Waqti Hore La Bilaabo (Early Start Kindergarten) - Soomaali (Somali)

Haddii aad asal ahaan kasoo jeedo qaxooti ama magangelyo-doon waxaad xaq u yeelan kartaa Xanaanada Waqti Hore La Bilaabo (Early Start Kindergarten - ESK). ESK waxay gacan ka geysan kartaa in la xaqiijiyo in ilmahaagu helo qadarka ugu badan ee saacadaha barnaamijka xannaanada ee bilaashka ah oo suurtogalka ah toddobaad kasta.

Sannadka 2023, Barnaamijyada Xannaanada Saddex Jirka ah waa inta u dhaxaysa 5 iyo 15 saacadood toddobaad kasta sidoo kalena barnaamijyada Xannaanada Afar-jirka ah waa 15 saacadood. Diiwaangelinta ESK waxay damaanad qaadaysaa 15 saacadood oo buuxa todobaad kasta labada barnaamijyo ee Xanaanada Saddex-sano jirrada iyo afar-sano jirrada. Waxaa loo heli karaa carruurta kuwa:

  • oo asal ahaan kasoo jeeda qaxooti ama magangalyo doonka
  • loo aqoonsan yahay inay yihiin Aborijiniska iyo/ama Torres Strait Islander
  • qoyskoodu xiriir la sameeyeen ilaalinta carruurta (child protection)

Meel kasta oo ay kaga nool yihiin Victoria carruurtani waxay heli karaan 15 saacadood oo xanaano lacag la'aan ah todobaadkii inta lagu jiro billowga mashruucan. Helitaanka hadda iyo saacadaha ay helaan waxba iskama bedelayaan.

Sida loo codsado:

ESK waxaa laga heli karaa dhammaan barnaamijyada xanaanada ee uu bixiyo macalin aqoon u leh. Waxaad diiwaangelin kartaa ilmahaaga adiga oo la xiriiraya kinder/xanaano agtaada ah kabacdina aad waydiisatid inaad hesho deeqda Xannaanada Waqti Hore la Bilaabo (Early Start Kindergarten) Adeegyada Xanaanada waxay awoodaan inay kuu helaan adeeg tarjubaan oo lacag la'aan ah si ay kuugu taageeraan luqaddaada.

Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Khadka weydiinta Xanaanada Saddex Jirka ee Waaxda Waxbarashada 1800 338 663 ama golaha deegaankaaga (local council) si aad u hesho caawimaad. Si aad caawimaad ugu hesho luqaddaada waxaad ka wici kartaa nambarka Turjubaanada iyo Fasirayaasha Qaranka (National Translating and Interpreting Service) 131 450, ka codso turjubaanka inuu kuu waco nambarka golaha deegaankaaga ama waaxda waxbarashada, turjubaanku wuxuu ku jiri doonaa khadka taleefanka si uu kuugu turjumo.

Goorta la codsanayo:

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin ESK haddii ay saddex jirsadaan ka hor 30-ka Abriil sanadka ay u diiwaangashan yihiin inay xaadiraan kinder. Eeg 'goorta la isqoro'.

Waad dooran kartaa in ilmahaagu tago iskuulka sannadka uu shan ama lix jirsado. Ka dib, waxay heli karaan ESK sanadka ay saddex ama afar galaan.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidii aad ku ogaan lahayd goorta ilmahaagu u qalmo ESK, waxaad la xidhiidhi kartaa Waaxda Waxbarashada, golaha deegaankaaga, kalkaalisada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ama xannaanada xaafadaada, ama mid ka mid ah ururada soo socda ee xaafadaada.

  • Khadka Weydiinta Xanaanada Saddex Jirka (Three-Year-Old Kindergarten Enquiry Line)1800 338 663
  • Brotherhood of St Laurence 03 9483 1183
  • Foundation House 03 9389 8900
  • Adeegyada Carruurta ee Fka (Fka Children’s Services) 03 9428 4471
  • VICSEG New Futures 03 9383 2533

Updated