JavaScript is required

Dammaanadda Mushaharka Bukaanka ee Victoria - Soomaali (Victorian Sick Pay Guarantee - Somali)

Mushaharka bukaanka iyo daryeelaha ee shaqaalaha caadiga ah (casual) iyokuwa iskood u shaqeysta (Victorian Sick Pay Guarantee)

Damaanad qaadka Mushaharka Bukaanka ee Victoria (The Victorian Sick Pay Guarantee) wuxuu siinayaa shaqaalaha caadiga ah (casual) iyo kuwa iskood u shaqeysta 38 saacadood oo ah mushaharka bukaanka iyo daryeelaha si ay u isticmaalaan marka ay jiran yihiin ama ay u baahan yihiin inay daryeelaan dadka ay jecel yihiin. Sababtuna waxay tahay maaha in qof shaqaale ahi uu kala doorto mushaharka maalinta iyo caafimaadkiisa.

Barnaamijkan tijaabada ah waxaa si buuxda u maalgeliyaDawladdaVictoria.

Barnaamijka tijaabada ah ee Damaanada Mushaharka Bukaanka waxay dhamaaneysaa 30ka Juun 2024

Diiwaangelintu waa la xiray. Wakhti haray oo aad isku diiwaangelin karto Damaanada Mushaharka Bukaanka ma harin.

Codsiyada mushahaarka xanaaneeyaha iyo bukaanka

Haddii aad iska diiwaangelisay Damaanada Mushahaarka Bukaanka 2:00dii duhurnimo ee Tallaadada 7-da Maajo 2024, waxaad xaq u leeday Mushahaarka xannaaneeyaha iyo bukaanka ilaa Jimcaha 31 Maajo 2024.

Tan micnaheedu waxaa weeye taariikhdii ugu danbeysay ee aad gefto oo aad xaq u yeelan doonto Damaanada Mushahaarka Bukaanka waa Jimcaha 31ka Maajo 2024.

Taariikhda ugu danbaysa ee aad soo gudbin kartid codsi waa Axada 30ka Juun 2024.

Waa inaad soo dirtaa dhammaan codsiyada inta lagu jiro 60 maalmood markaad ka maqnaato shaqo oo aan ka danbeyn 11:59 habeenimo ee Axada 30ka Juun 2024.

Nala soo xiriir

Dammaanadda Mushaharka Bukaanka ee Victoria (Victorian Sick Pay Guarantee)

iimaylka: sickpayguarantee@ecodev.vic.gov.au(opens in a new window)

Updated