Si riyadoodu u noqoto mid sarreysa, caruurteenu waxay u baahan yihiin inay helaan bilawga ugu wanaagsan ee nolosha. Waa sababta Dowladda Victoria ay:
- Uga dhigayso Kinder ka Saddex iyo Afar-jirrada lacag la'aan gobolka oo dhan laga bilaabo 2023
- Usoo bandhigayso sanad cusub oo ah waxbarashada xannaanada carruurta oo dhameystiran looguna talagalay da'da 4 jirka
- U hirgalinayso 50 xarumood oo xanaano caruureed oo dawladdu leedahay muddo toban sano ah.
Tani waxay u dheer tahay sii wadida soo saarista Xanaanada Saddex Jirka ah.
Reviewed 22 September 2023