Si wada jir ah, ayaa waxaan u sameysan karnaa iskuulo nabdoon oo uu qof kastaa ku dareemayo inay ayagu leeyihiin, wax ku baranayo, kuna horumarayo.
Marka iskuulaadka, qoysaska iyo ardaydu ay wada shaqeeyaan, waxaan gaari karnaa natiijooyinka ugu fiican. Iskaashiyadani waxay lama huraan u yihiin abuurista bay'ad dugsi oo taageerta dhamaan ardayda si ay u dareemaan lahaansho, wax ku baran karaan isla markaasna ku kobci karaan. Markaad tahay waalid iyo daryeele, waxaad door muhiim ah ka ciyaareysaan sidii ilmahaaga aad uga caawin lahayd inuu fahmo oo uu isla markaasna ku dhaqmo dhaqamada la filan karo ee ay dadku wadaagaan.
Sida ay ardaydu u soo bandhigaan hab-dhaqanka laga filan karo
Marka iskuulka la joogo, dhamaan ardayda waxa laga filayaa inay muujiyaan ixtiraam, badbaado, iyo howlkarnimo. Dabeecadahani waxay gacan ka geystaan sidii iskuulaadku ay u noqon lahaayeen meel uu qof kastaa ku guulaysan karo.
Ardeydu waxay la yimaadaan hab-dhaqankan laga filan karo marka ay muujiyaan ixtiraam, badbaado iyo hawlkarnimo.
Mid ixtiraam leh
- In loo hogaansamo awaamiirta shaqaalaha iyo sharciyada u degan dugsiga.
- In la daryeelo hantida dugsiga iyo alaabaha dadka kale.
- In la isticmaalo luqad ixtiraam leh.
Amaan
- In ayaga iyo dadka kaleba ay ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada u keeni kara.
- In lala hadlo ama caawimaad la weydiisto qof qaangaar ah haddii iyaga ama qof kale loola dhaqmo si aan cadaalad ahayn.
- Keliya keenida amaan iyo waxyaallaha amaanka u ah dugsiga.
Wax-ka-qabanaya
- In maalin kasta iskuulka la aado, xilligii loogu talagalayna la xaadiro, diyaar na loo noqdo in wax la barto.
- Ka qeybqaadashada hawlaha dugsiga, inta awoodooda ahna dadaal muujiyaan, isla markaasna ay codsadaan caawimaad marka ay u baahan yihiin.
- In la barto loona hogaansamo shuruucda dugsiga, oo ay ku jiraan sharciyada khuseeya telefoonka gacanta.
Sida ay waalidiinta iyo daryeelayaashu u caawin karaan
Marka aad noqotaan kuwo lagaga dayan karo isla markaasna dhiirigeliya habdhaqanka wanaagsan, waxaad ka caawintaa ilmahaaga inuu kobciyo xirfadaha iyo caadooyinka ay u baahan yihiin si ay guulo uga soo hooyaan dugsiga. Marka ay qoysaska iyodugsiyadu wada shaqeeyaan, ardaydu waxay gaari karaan natiijada ugu wanaagsan.
Waalidiinta iyo daryeelayaashu waxay gacan ka geysan karaan sidii ay uga taageeri lahaayeen ilmahooda in hab-dhaqankooda uu noqdo:
Mid ixtiraam leh
- Inay bartaan sharciyada iskuulka iyo inay caawimaan markay guriga ku sugan yihiin.
- Inay muujiyaan hab-dhaqan ixtiraam leh oo lagaga tusaale qaadan karo marka laga hadlayo qaabka aad ula hadlayso ama uga warami karto shaqaalaha iskuulka, qoysaska, iyo dadka kaleba marka la is hor taagan yahay iyo marka online laga wada xiriirayo.
- In la isticmaalo nidaamka u degan iskuulka marka laga hadlayo wixii aad ka walaacsan tahay ee aad doonayso inaad kala hadasho isla markaasna xal u hesho xilli waqti hore.
Amaan
- In lala shaqeeyo shaqaalaha haddii ilmahaagu ay dhibaato kala kulmaan iskuulka si loo fahmo isla markaasna loo xalliyo arrimaha markaas taagan.
- Inaad xaqiijiso in ilmahaagu ogyahay inay tahay wax iska caadi ah inuu caawimaad weydiisto qof qaangaar ah oo lagu kalsoonaan karo marka iskuulka la joogo.
- Inaad xaqiijiso in ilmahaagu uu nabadqabo marka uu khadka online-ka ku jiro adiga oo kala hadlaya wax kasta oo walaac dhalin kara xilli hore.
Wax-ka-qabanaya
- Inaad ka caawiso ilmahaaga inay maalin kasta dugsiga aadaan - maalin kasta waa ay xisaabsan tahay.
- Inaad wada-shaqeysaan aadna kala hadasho shaqaalaha dugsiga sidii ilmahaaga looga caawin lahaa waxbarashada iyo badqabkooda.
- Inaad kala hadasho ilmahaaga sida ay maalintoodu ahayd iyo sida ay dareemayaan, aadna ku dhiirigeliso waxbarashadooda adoo la soconaya da'daalkooda iyo horumarkooda.
Waxaan ognahay in ardayda qaar iyo qoysaskoodu ay la halgamayaan imaanshaha dugsiga ama la kulmaan iskuul diidis. Waa kuwan qaar ka mid ah agabyada ku caawin kara:
Sida ay dugsiyadu uga caawiyaan ardayda sidii ay ula imaan lahaayeen habdhaqanka laga filan karo
Marka ardayda la baro laguna xoojiyo hab-dhaqanka togan, dugsiyadu waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan, badbaado leh isla markaasna caddaalad ah diiradana lagu saarayo barashada iyo samaqabka.
Iskuulaadku waxay taageeraan qoysaska iyo ardayda iyagoo u muujinaya xushmad, jawi nabdoon iyo howlkarnimo.
Mid ixtiraam leh
- In la baro lana tuso sharciyada dugsiga iyo dabeecadaha wanaagsan ee laga filan karo ardayda.
- Si cad in loo baro, si ku dayasho lehna loo tuso isla mar ahaantaasna looga mahadceliyo hab-dhaqanka ixtiraamka leh ee laga filanayo.
- In si wadajir ah iyo si togan loola shaqeeyo dhamaan ardayda, waalidiinta iyo daryeelayaasha.
Amaan
- Waa in la dejiyaa shuruuc cad iyo habraacyo lagaga hortagayo loogana jawaabayo cagajuglaynta sidoo kalena lagu sugayo amniga ardayda.
- In ardayda firfircoon ay helaan taageerooyin dheeraad ah, iyo in sidoo kale laga taageero ardaydu inay ka hadlaan wixii jira oo ay raadsadaan caawimo.
- In la ogaado isla markaasna wax laga qabto dhibaatooyinka si loo xaqiijiyo jawi jir ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqan ahaanba nabdoon.
Wax-ka-qabanaya
- In la bixiyo waxbarasho ku salaysan caddayn, iyo mid loo wada dhan yahay taas oo ka turjumaysa baahiyaha dhamaan ardayda.
- In ardayda awood lagu siiyo sidii ay fikradahooda ugu biirin lahaayeen go'aamada saameeynaya waxbarashadooda iyo nolosha dugsiga.
- In la dhiso cilaaqaad adag, iyo is aaminaad si loo hubiyo in ay ardaydu dhamaantood dareemayaan in la arkayo, la maqlayo lana qiimeeynayo.
Waaxda waxbarashadu waxay dugsiyada siisaa agab iyo taageero si ay u wanaajiyaan hab-dhaqanka ardayda isla mar ahaantaasna u kobciyaan xiriir togan oo ka dhexeeya dugsiyada, ardayda iyo qoysaska.
Meelaha ay waalidiinta iyo daryeelayaashu ka raadsan karaan caawimaad
Haddii aad ka welwelsan tahay badqabka, dhaqanka ama badbaadada ilmahaaga waxaad awoodaa samayn:
- Marka hore la hadal ilmahaaga macalinkiisa ama qof kale oo aad adigu u aragto inuu yahay qof aad la hadli karto ka bacdina raac nidaamka u degan dugsiga si aad ugala hadashid waxyaabaha aad ka walaacsan tahay.
- Weydiiso dugsiga taageero ama inay kuu gudbiyaan meelihii kalee loo baahdo - waxay kugu xiri karaan shaqaalaha samaqabka ama adeegyada takhasuska leh.
- La xiriir Xafiiska Wasaarada Waxbarashada Gobolka haddii aad u baahan tahay caawimaad intaas ka badan.
Macluumaadka soo socda ayaa sidoo kale la heli karaa:
- Korriimada Isku-xirka Carruurta (Raising Children Network) - waxay talooyin siiyaan waalidiinta ay u joogaan carruur gaartay da'dii iskuulaadka, kuwa aan qaan-gaarin iyo kurayda.
- eSafety Commissioner – talooyin loogu talagalay waalidiinta iyo daryeelayaasha si ay uga caawiso in carruurtu aysan dhibaato kala kulmin khadka internetka.
- Khadka loo soo gudbin karo dhibaatooyinka la xiriira Cunsuriyada - baro sida loo soo sheego cunsuriyadda ama takoorka diimeed ee ka dhici karta iskuulaadka.
- Kuwa ka hortaga cagajugleynta (Bully Stoppers) – talooyin loogu talagalay waalidiinta iyo daryeelayaasha taas oo ku saabsan xoogsheegashada/ cagajugleynta.
Updated